Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya

Share:

Listens: 0

Somali Public Agenda

Miscellaneous


25-kii June baarlamaanka Soomaaliya ayaa riday xukuumaddii uu hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre. Ilaa wakhtigan xukuumad cusub lamasoo dhisin. Xukuumadda waxa la riday maalmo yar kadib markii uu soo idlaaday shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu uga hadlayeen nooca doorashada suuragalka ah in ay ku qabsoonto wakhtiga u haray hay’adaha federaalka. Maxamed Cabdirisaaq waa aasaasaha iyo agaasimaha Finance, Development, and Governance Synergy Limited (FDG-Synergy). Kahor inta aanu billaabin SDG Synergy, waxa uu Maxamed Maareeyaha mashruuca Platform for Political Dialogue and Accommodation in Somalia (Madasha Wadahadallada Soomaaliya) u ahaa hay’adda Conflict Dynamics International. Waxa uu sidoo kale Maxamed horey usoo noqday lataliyaha Madaxweye Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Maxamed waxa uu horey isugu sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya. Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta taxliilineysa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya oo ay daabaceen Machadka Rift Valley iyo FDG Synergy.