2.MUHIIMIDY WALBARYSHTHY

Share:

Listens: 0

Taha Inspires

Education


#Muhiimadda Cilmiga  .... Cilmiga wuxuu ka midyahay waxyaabaha ilaahey subxanahu watacaalaa uga soocey noolaha kale. La’aantiisna aadanuhu ma heli karo wado sax oo uu hadafkiisa ku gaari karo. Tusaale ahaan Nabi Aadan waxaa dhulka khaliifkiisa looga dhigay oo malaa’ikta looga doorbidey waxay ahayd cilimiga ilaahey uu barey.  Miraha ka dhasha cilmiga waxaa ka mid ah  1. Wax sifeyn – Qofka wax ma sifeyn karo asagoon laheyn cilmi iyo macluumaad u sahaleysa in uu wax sifeeyo. Tusaale ahaan ma sheegi kalorka shaatigaaga adigoon kala garaneynin midabada.  2. Wax Fasisirid – Hadaadan aqoon kuu bilaabaneyn ma fasiri kartid sababta ay wax u dhacaan. Tusaale ahaan qofka markuu xanuunsado wuu qandhadaa, sababta ma sheegi kartid hadaadan lahayn aqoon caafimaad.  3. Qiyaas – Hadaadan lahayn aqoon hore ma qiyaasi karto waxa berito dhici doono.  4. Go’aan Gaarid/Xukumid/ - Cilmiga wuxuu ka midyahay waxyaabaha kuu sahalayo in aad go’aan gaarto. Tusaale ahaan marka aad rabto in aad safarto oo aad haysto dhowr waddo, markasta waxaad doorataa wadada ugu dhow uguna amni badan laakin hadii aadan macluumaad haysan go’aan kama qaadan karto wada aad dooran lahayd.  #Saameyn Bulsho  Waxaa aad u kala duwan bulshooyinka waxabartey iyo bulshooyinka aan waxabaranl. Bulshada waxbaratey waxaa isbeddelaayo qaab nololeedkooda, kala dambeyntooda iyo nidaamkooda nololeed ee maalinlaha ah.  #Talooyin Waxbarasho. Ardada dhigata iskulaatka waxaan kula talinaya saddexdaan talo  In ay Quraanka xifdiyaan ayagoon dhameyn dugsiga sarre.  In wax kabartaan tiknoolojiyada dunida iyo  In ay helaan culuumta dhaqaalaha.  # Adada Jaamacaddana waxaan kula talin lahaa saddexdaan talo: In ay xooga saaraan xirfadaha sida qoraalka, fagaare ka hadalka, Luuqaddaaja iwm.  In ay bartaan qaababka bulshooyinka loo abaabulo loolana macaamilo dadyow kala duwan.  Barashada qaababka dad loo hogaamiyo iyo culuumta hogaaminta.  Wabillahi Tawfiiq,  Abdisamad Sh. Abukar