Maxaa Casharro ah oo Laga Baran Karaa Doorashooyinkii Dadbanaa ee Soomaaliya ee 2016?

Share:

Listens: 0

Somali Public Agenda

Miscellaneous


Doorasho dadban oo labaad ayaa la jadwaleeyey in ay mar kale ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 iyo horraanta sanadka 2021. Sida ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka 17-kii Sebteembar ee 2020, doorasho dadban ayaa ka dhici doonta labo degmo oo kamid ah dowlad-goboleed walba, halkaas oo ergooyinka doorashada ee lagasoo xulay beelaha ay u codeynayaan kursi kasta oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 54-ta xubnood ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale soo dooran doona xildhibaannada dowlad-goboleedyada, si lamid ah hannaankii doorashada ee 2016.Sanadkii 2016-kii, ergooyin doorasho oo ka badan 14 kun oo muwaadin oo lagasoo xulay beelaha ayaa soo doortay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Muddo xileedkooda waxa uu dhammaan doontaa 27-ka Diseembar ee 2020.