Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?

Share:

Listens: 0

Somali Public Agenda

Miscellaneous


Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.